U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdi Xaashi “Waxaan Ku Faraxsanahay Nabadda Taalla Kismaayo”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/laahi ayaa sheegay in nabad la isku haleyn karo ay taallo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo Labadii cisho ee lasoo dhaafay.

Jubbaland ayuu ku amaanay dedaalka ay ku bixisey amniga magaalada Kismaayo, isaga oo dhanka kale sheegay in Kismaayo u joogaan ogaanshiyaha tabashada Jubbaland.

“Waxaan ku faraxsannahay nabad-galyada taallada Kismaayo, shirkii halkaan ka dhacay wixii kasoo baxay waxaan goosannay inaan ogaanno bal maxaa jira oo tabashadu tahay oo dowlad goboleedyadu ay tabanayaan oo jira” ayuu yiri guddoomiyaha.

Jubbaland ayaa ka mid ahayd dowlad goboleedyadii horey u sheegay iney hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News