U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab Oo Caawa Xeer Ilaaliye Ka Ah Cayaarta Fiinaalka CAF Confederation Cup

Sheeko:Cayaaraha

 

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo iminka ku sugan dalka Morooco ayaa caawa xeer ilaaliye ka noqonaya cayaarta kama dambeysta ah ee CAF Confederation Cup.

Cayaarta finalka ah ayaa dhex mari doonta kooxaha kala ah Raja Casablanca oo dalka Morooco ah iyo Vita Club oo ka dhisan dalka Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga ah ee CONGO. Cayaartu waxay dhacaysaa 8-da fiidnimo waqtiga GMT oo ku beegan 11-ka habeenimo waqtiga Soomaaliya.


Guddoomiyaha CAF Axmed Axmed iyo dhamaan xubnaha sar sare ee CAF ayaa cayaartan daawan doona, waxaana isla marka cayaartu dhamaato uu guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab usii safri doonaa dalka Ghana oo uu barri kaga qeyb geli doono shirka guddiga qaban qaabada Africa Cup of Nations.