U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdiqani Saciid “Xulka Dhallinyarada Waxaan U Dirnay Waayo Aragnimo”

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Cecafa ayaa sanadkan markii ugu horeesay qabtay tartanka 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha,iyadoo u jeedka ahaa in la horomariyo fursadano loo abuuro dhallinyarada iyo in aan qiyaano lagu samaynin da’daada kala gedisan tartamada soo socda ee Cecafa.

Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay tartankii ku qabsoomay magaalada Asmara ee wadanka Eritrea bishii August 2019 waxaana xulka Da’yarta 15 Jirada Soomaaliya ay galeen Group A waxaana ku wehliyay dalalka ka ah Kenya,Burundi,Eritrea iyo Sudan,Soomaaliya ayaa lagu amaanay dhallinyarada ay tartanka keentay.

Halkan Ka Aqriso Kulamadii Ay Ciyaareen Dhallinyarada Xulka Iyo Natiijooyinkii Kasoo Baxay

16-August 2019-Kenya 3-1 Somalia (Match 1)


21-August 2019-Burundi 2-1 Somalia  (Match 2)


22-August 2019-Somalia 2-0 Sudan  (Match 3)


24-August 2019-Eritrea 1-1 Somalia  (Match 4)


“Dhallinyaradan kama suganaynin in markii ugu horeesay ay ka qeybgaleen tartanka da’yarta Bariga iyo Bartmaha ay isla markiiba ay inoo soo hooyaan koobka ee waxaan u dirnay in ay wax badan ka badalaan horomarka kubbadda cagta dalkeena iyo shacabka Soomaaliyeed oo iyaga ka qaba rajo badan oo dhinaca guulaha sanadaha soo aadan”ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka Bariga iyo Bartamaha Africa mudane Cabdiqani Saciid Carab.

Xulka 17Jirada Soomaaliya ayaa kalinta 2-aad ka galay tartankii Bariga iyo Bartamaha Africa 2018 ee ku qabsoomay wadanka Burundi waxaana koobka si dirqi ah kaga guulaystay dhallinyarada ka socotay Tanzania,balse falqneeyaasha ciyaaraha ayaa sheegay in garsooraha kulankaa uu qaladaad badan ka galay Xulka Qaranka Soomaaliya ayna u qalmeen hanashada koobabka tartanka CECAFA Under 17.

“Guusha kuma imaado si sahlan ee waa in aan kawa shaqeenaa horomarka iyo guulaha qarankeena,dad badan ayaa walaac ka muujinaya hanaanka xulashada Xulka Qaranka,balse iminka waxaa cad guulaha ay xulalkeena kala gedisan ka sameeyeen tartamada kala duwan ee caalamka” ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiyaha Xaririka Soomaaliyeed ee Kubba Cagta Mudane Cabdiqani Saciid Carab.

Halkan Ka Daawo Wax Qabadka Wajiga Kowaad Ee Xulka Da’yarta Soomaaliya

 

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle