U bood dhigaalka

Guddoomiye Cali Shiine Oo Baydhabo Kawada Kulamo Lagu Horomarinayo Xiriirka Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed.

Sheeko:Cayaaraha

Guddomiye ku Xigeynka 1-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa shalay gelinkii danbe gaaray Magaalada Baydhabo ee Maamul Goboleedka KOONFUR GALBEED.

Qorshaha safarka waxa uu qeyb ka yahay dadaalada ay madaxda xiriirka kubbadda cagta ku doonayaan in ay ku hormariyaan xiriirada Maamul Goboleedyada si wadajirna loogu wada shaqeeyo horomarinta kubbadda cagta Soomaaliya.

“Safarkeenna waxa uu sahan u yahay in aan ku soo kormeerno qaabka ay u shaqeeyaan wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubbadda cagta Koonfur Galbeed iyo in aan dhagaysano madaxda ciyaaraha deegaanka si wax lloogu qabta baahda jirrta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in laga taageero”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo ah guddomiye ku xigeynka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Guudoomiye Cali Shiine waxaa safarka ku wehlinaya Abukar Islow Xasan oo ah guddomiye ku xigeenka horomarinta iyo kor u qaadida xiriirada kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo xiriirka Soomaaliyeed.

“Bishii Janaayo 2019 waxaa socdaal shaqo ku tagay magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubaland waxa aan soo kormeeray xafiisyada shaqada wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubbadda cagta Jubaland,booqashadane waa mid aan ku doonayno in aan Maamul Goboleedyada gaarsiino adeegyadii lagu horomarin lahaa kubbadda cagta”waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Cali Shiine.

Si kastaba 2019 Xiirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa ay qorsheenayaan in Maamul Goboleedyada aan haysanin garoomada kubbadda cagta ayaa kala qeyb qaataan dib u dhiska iyo kor u qaadida aqoonta kooxaha iyo garsoorayaasha si ay u gaaraan meel wanaagsan.
Maxamed Xuseen Qalinle