U bood dhigaalka

Guddoomiye Casir Oo Baaq u Diray Xildhibaannada Galmudug

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaankaasi ee ka maqan magaalada Cadaado in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku gaaraan magaaladaasi.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha maadaama ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha Galmudug, in dhammaan xildhibaannada laga doonayo iney ka qeybqaataan doorashadaasi, ayna soo gaaraan Cadaado

“Waxaan  halkaan ugu baaqayaa xildhibaannada dowlad goboleedka Galmudug wixii maqan  in si degdeg ah kusoo xaroodaan, si ay uga qeybgalaan doorashada dhici doonta 10-ka bishan April” ayuu yiri guddoomiye Casir.

Sidoo kale guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watey ayaa ugu baaqay dhammaan musharraxiinta dooneysa iney ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha Galmudug iney is diyaariyaan.

Baarlamaanka Galmudug ayaa sabtidii shalay isku raacay in doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi ay dhici doonto 10-ka bisha April 2017.

Goobjoog News