U bood dhigaalka

Guddoomiye Cawad: Si Dhow Baan Ula Shaqeyn Doonnaa Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in si dhow ay ula shaqeyn doonaan baarlamaannada maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in waajib dastuuri ah uu yahay in la wadashaqeeyo, lagana shaqeeyo aayaha guud ee dalka iyo dadka.

Waxa uu tilmaamay in kulankooda Garoowe uu yahay mid sii xoojinaya isku xiriirka ka dhaxeeya baarlamaannada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News