U bood dhigaalka

Guddoomiye Ciro oo Ka Hadlay Siyaasiyiin Miisaan leh oo ay Wadahadal Kula Jiraan iyo Khilaafka Xisbiga Ucid

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka warramay  halka ay marayso wadahadal ay kula jireen siyaasiyiin miisaan leh oo ay horey uga  tirsanaa  xisbiga talada haya ee Kulmiye loona yaqaanno Isbahaysiga isbedeldoonka.

Wadahadlkan oo ay ku kulmeen masuuliyiin ka socday dhanka xisbig Waddani iyo kuwa ka tirsan siyaasiyiintaasi oo uu hogaaminay wasiikii hore ee madaxtooyada Somaliland  Xirsi Cali Xasan ayuu guddoomiye cirro waxa uu sheegay iney ka wadahadleen sidii ay xisbiga Waddani  uga mid noqon lahaayeen waxaanu yiri, ” Waanu la hadalnay  oo waanu shirnay  waxaanu ka wadahadalaynay ayaa ah sidii ay xisbiga Waddani ugu soo biiri lahaayeen siyaasiyiintan oo  ah kuwo miisaan culus ku leh dalka, anaguna xisbi ahaan aad ayaan u danaynayaa iney noo yimaadaan”.

Guddoomiye Cirro oo ka hadlay  mudada uu sii socon doono wadahadalkoodani ayaa sheegay in Labo ama Saddex maalmood gudahood ay soo dhamayn doonaan isaga oo natiijadana ku tilmaamay mid ku dhammaan doonta is afgarad  sida uu filayo.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  ayaa dib u dhigay shirweynihiisii lagu dooran lahaa musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku beegnaa 10-ka bishan October si  looga gun gaaro wadahadalkan ay siyaasiyiinta kula jiraan .

Siyaasiyiintan isbedeldoonka  oo ka kooban ilaa 15 siyaasi oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa dhammaantood iskaga tagay xilalkaasi waxaana qaarkood loo diiday inay ka dhex tartamaan shirweynihii xisbiga Kulmiye ee ay ka mid ahaayeen halka kuwana laga saaray xisbiga inta aysan iyagu ka taginba .

Dhanka kale, guddoomiye Cirro waxa uu ka hadlay khilaafka xisbiga Ucid ee in muddo ah soo jiitamayay waxaanuu hoosta ka xariiqay kaalinta Jamaal Cali Xuseen uu ku laahaa soo bixiddii xisbiga, waxa uu kaalin mugleh ka qaatay xisbiga, ayuu yiri, sidii uu mar kale Xisbigu uga mid noqon lahaa Axsaabta siyaasadda Somaliland ee xaqa u leh iney u tartamaan doorashooyinka Somaliland oo sadax xisbi oo kaliya dastuurka maamulku  ku xadidayo.

Siyaasiyiintan cusub ayaa haddii ay ku biiraan xisbiga Waddani waxay dhabar jab weyn ku noqoneysaa xisbiga taladahaya oo ay ka ahaayeen lafdhabartii in muddo ahba xisbiga si firfircoon maamulkiisa sare wax uga wadday.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada