U bood dhigaalka

Guddoomiye Cumar Filish Oo Sheegay In Maamulkiisa La Dagaallami Doono Kuwa….

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa inuu wax ka qabto amniga, nadaafadda, canshuuraha iyo dib u dhiska.

Wuxuu sheegay Filish in maamulkiisa rabo in la helo waddooyin dhisan, qurux badan, iyo dhismayaal qurux baqdan si Muqdisho usoo ceshato quruxdii waa lagu yaqaanay.

Guddoomiye Cumar ayaa sheegay in sidoo kale ay la dagaallami doonaan dadka aan canshuurta bixin iyo kuwa sida xun u isticmaala waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Muqdisho oo amni ah oo qurux badan oo waddo iyo dhisme burbursan lahayn in aan gaarno oo halkaasi aado ayaan rabaa, barakacayaasha inaan maareynno ayaan rabnaa, waxaan rabnaa inaan amniga wax ka qabanno, waxaan rabnaa inaan la dagaalanno dadka canshuurta aan bixin ama sida xun u isticmaala” ayuu yiri Filish.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa sugaya wax ka qabashada arrimo u badan amniga, dib u dhiska, nadaafadda iyo arrimo kale oo muhiim u ah caasimadda Muqdisho.

Goobjoog News