U bood dhigaalka

Guddoomiye Garooje “Hambalyo Muqdisho City Club”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyihii kooxda kubbadda cagta Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa hambalyo u diray maamulka,macallimiinta iyo taageerayaasha kooxda Muqdisho City Club oo ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2019-2020.

“Waxaan hambalyo u diriyaa maamulka,macallimiinta iyo taageerayasha naadiga Muqdisho City ee ku guulaystay horyaalka Soomaaliya 2020,wuxuu ahaa sanad cajiib ah iyo loolan adag sidoo kale waxaan hambalyo qaas ah u diriyaa laacibiinta kaalmaha hore ka galay gool dhalinta horyaalka Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyihii kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje)

Halkan Ka Aqriso Dabaal Daga iyo Hanashada Kooxda Muqdisho City Club

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/muqdisho-city-club-oo-si-weyn-ugu-dabaal-dagtay-hanashada-horyaalka-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle