U bood dhigaalka

Guddoomiye Iidle “20 Kun Oo Doolar Ayaan Ugu Yaboohnay Gurmadka Qaran”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleybaan oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ugu horreyn ka hadlay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe oo uu sheegay inuu ahaa mid saameeyay guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ka garsoor ahaan ay la qeybsanayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatadii soo gaartay shacabka Soomaaliyeed ee aan iyagoo waxbo galabsan lagu laayay Zoobe.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay iney xoojiyaan midnimadooda, lana dagaallamaan cid walbo oo dalka amni darro ku waddo.

Sidoo kale guddoomiye Suleymaan ayaa sheegay in ka garsoor ahaan ay 20 kun oo doolar ugu deeqeen gurmadka qaran si ay u muujiyaan barbar istaagga dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada soo gaartay.

“Soomaalida meel walbo oo ay joogto ma jiro qoys Soomaaliyeed oo ka nabad galay wixii dhacay, waxyeelladii dhacay, dhibtoo loo geystay umadda Soomaaliyeed, guri walbo oo Soomaaliyeed waxaa taalla tacsi oo qof baa ka dhintay hala helo raqdiisa ama yaan la helin, gurigaan yaalin tacsi waxaa yaalla dhaawac, mid nafeed iyo mid maaliyadeed, Soomaali waxaa loo geystay waxaan umadda kale ee Bini’aadamka ah loo geysan, intaan ognahay fal sidaan oo kale ah anigu ma ogi kolley, Imtixaan bay u tahay umadda Soomaaliyeed oo lagu imtixaanayo iney ku sabraan dhibka, geerida, dhaawaca, burburka hantiyeed ee loo geystay…waxaa waajib ah iney muujiyaan dadka Soomaaliyeed wadajirkooda, barbar istaagaan qoyska tacsida u taallo, kan dhaawaca ah oo wax walbo la garab istaagaan…waxaan si mideysan tacsi u direynaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed…dhibta waan la wadaageynaa dadka waxyeellada soo gaartay, dowladda dhaqaale ahaan waxay go’aamisay in shaqaalaha Soomaaliyeed qof walbo mushaarkiisa wax laga jaro, haddaanu nahay mas’uuliyiinta garsoorka waxaan go’aansannay in qareenno iyo garsoorayaalba iney bixiyaan oo mushaarkooda ka gooyaan 20 kun oo doolar oo aan uga qeybqaadaneyno gurmadka socda, wax weyn ma ahan laakiinse waxaan ku muujineynaa wadajirka” ayuu yiri guddoomiyaha.

300 oo qof ayaa ku dhimatay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, iyadoo tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog News