U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari “Aan Wadahadalno Waa Aan Heshiinno” (Muuqaal)

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan jawaari oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey kulan habeenkii xalay ahaa ay la qaateen madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Jawaari ayaa sheegay in si qoto dheer markii ay uga doodeen isaga, ku xigeennadiisa iyo madaxweyne Farmaajo arrimaha jira (khilaafka golaha shacabka) ay isla garteen soo jeedin madaxweynaha ka timid oo ah in shirkii maanta u ballansanaa golaha shacabka la hakiyo, si xaajada loo dejiyo, loogana wada hadlo si xasiloon.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dhammaantood ay ka aqbaleen soo jeedinta madaxweynaha oo maalmahan uu sheegay inuu mashquul ahaa.

Jawaari ayaa xildhibaannada golaha shacabka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u sheegay in ay aqbaleen soo jeedinta madaxweynaha, ay qadariyeen xasilooni siyaasadeed, laga ilaaliyo wax walbo oo shacabka u keenaya walwal.

“Waxaan rasmi ahaan u sheegayaa xildhibaannada golaha shacabka oo dhan iyo shacabka Soomaaliyeed in soo jeedintaasi madaxweynaha inaga qabsaday ogolaannay, wixii dambe ee la sameynayo iyo meesha horey loogu sii soconayo dib loo soo sheegi doono, annaga oo qadarinnay in loo baahan yahay xasilooni siyaasadee,d in shacbiga looga turo arrimo walwal walbahaar gelinayo ayaan arrintaasi u ogolaannay, aan wadahadalno waa aan heshiinno” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha shacabka ayaa ka dalbaday xildhibaannada iney ilaaliyaan midnimada iyo badqabka baarlamaanka, wuxuuna u mahadceliyey cid walbo oo dedaal ugu jirta xalinta khilaafka jira.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

Goobjoog News