U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo U Ambabaxay Sudan

Sheeko:Baarlamaanka

Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka ambabaxay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Wafdi uu Hoggaaminayo, waxaana ay kusii jeedaan dalka Sudan.

Gudoomiye Jawaari waxaa safarkiisan ku wehlinaya xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, wuxuuna casumaad rasmi ah ka helay guddoomiyaha dhiggiisa Sudan.

Markii uu tago guddoomiye Jawaari dalka Sudan wuxuu la kulmi doonaa dhiggiisa dalkaasi oo ay ka wadahadli doonaan arrimo la xiriira xiriirka Labada baarlamaan, sidoo kalena wuxuu guddoomiyaha la kulmi doonaa madaxda dalkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordhha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News