U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari oo ka war bixiyay safar uu ku tagay Norway

Sheeko:War

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu wehliyo guddoomiye  ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka markii ay howlo shaqo ku tegeen dalka Norway.

Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradah Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Markii lagu soo dhaweeyay ayuu ka hadlay safiirkiisa uu la kulmay jaaliyadda Somaaliyeed ee Norway iyo shir uu kaga qeyb galay dalka Norway oo looga hadlayay dimoqraadiyadda

“Mahad Alle ayaa iska leh inta dhimatay Allaha u naxariisto Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Madeer waxa uu ahaa shaqsi si wanaagsan door ka soo qaaatay dowladnimada, waxana uu ahaa Guddoomiyihii guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka, Alle u naxariisto, intii uu ka tegeynay samir iyo iimaan EEBE haka siiyo, dhanka kale waxaan safar gaaban ku tegnay dalka Norway oo aan kaga qeyb galnay shir sanadle ah oo ku saabsan dimoqraadiyadda” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna ku-simaha Madaxweyaha ayaa ka warbixiyay howlaha Baarlamaanka hor yaalla, isagoo shacabka u sheegay in dilalka lala bar tilmaameydsanayo xubnaha ku jira baarlamanka aysan saameyn ku yeelan doonin howlaha Baarlamaanku uu u hayo shacabka Soomaaliyeed.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dalka dib ugu soo laabto howlo badan ayaa Baarlamaanka horyaalla, teeda kale Barlamaanada waxay shaqeystaan xilliyada fasaxa guud, marka si aan u qabsano howlo badan ayaa na horyaala oo aan ugu diyaar garowno kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka, waxaana shacabka markale u sheegayaa in howlaha baarlamaanku uusan hakad geli doonin, shacabkuna haka shaqeeyaan arrimaha amniga oo ay ciidamada gacan ku siiyaan howlaha ay bulshada u hayaan”.ayuu Prof Maxamed sheikh Cismaan Jawaari hadalkiisa ku daray.