U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari oo maanta ku sii jeeda Baydhabo

Sheeko:Dalka

Afhayeenka golaha shacabka ahna guddoomiyaha barlamaanka Federalka ee Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga uu hogaaminayo Jawaari ee ku sii jeed xarunta gobolka Baay ayaa la filayaa in ay kulamo kula qaataan Baydhabo wax garadka iyo siyaasiyiinta gobolka.

Baydhabo waxaa mudooyinkii u dambeeyay ka jiray xiisado siyaasadeed, iyada oo dadka deegaanka ay ku kala aragtiyo duwan yihiin hirgelinta maamulka lixda gobol iyo in la sameeyo maamul kumeel gaar ah oo ka kooban gobolada Bakool, Baay iyo Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa waxa uu socdaalkiisu uu salka ku hayaa sidii loo qaboojin lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira siyaasiyiinta deegaanka.

Isniintii la soo dhaafay ayay ahayd markii Baydhabo ay ka dhacen bannaanbaxyo sababay dhimasho oo ay dadkii dhigayay kaga soo hor jeedeen booqasho la sheegay in uu ku tagi lahaa ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh.