U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo Shir Uga Qeybgalaya South Africa

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta u ambabaxay dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo uga qeybgalayo shirka Guddomiyaasha Baarlamaannada Afrika.

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa sii sagootiyay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Inta ay ku sugan yihiin dalka Koonfur Africa Guddoomiye Jawaari iyo wafdigisa waxaa la filayaa in ay halkaasi kula kulmaan madaxda baarlamaannda Afrika.

Xarunta Baarlamaannada Africa ayaa waxa ay ku taalaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa, waxaana inta badan diiradda lagu saaraa xaaladaha ka taagan qaar kamid ah wadamada Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Baarlamaanada Afrika.

Goobjoog News