U bood dhigaalka

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Hirshabelle oo Iscasilay

Sheeko:Amniga

Waxaa xilka wasiir ku-xigeenka amniga ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle iska casilay Geelle Isaaq Warsame.

Geelle oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan maamulka ayaa sababta ku sheegay ishor istaag uu madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyey dibadbax lagu taageerayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in dibadbaxa ay ciidamada Hirshabelle adeegsadeen rasaas nool, dadna lagu xiray, isaga oo ugu baaqay dowladda federaalka ah iney baarto.

Goobjoog News