U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan oo Ka Warbixiyay Howlgallo Laga Sameeyey Baladweyne

Sheeko:Amniga

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada amniga ka wadaan xaafado ka mid ah magaalada Beladweyne oo la xiriirta sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan falal amni darro ah oo ka dhacay magaalada.

Maxamed Miiris Isaaq oo la hadlayey warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay xaafado qaar ka jireen howlo amni darro ah oo ay wadeen shaqsiyaad lala xiriirinayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray inay gor dhaw ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

“Waxaa jirtay bambooyin lagu soo tuurayay xarumaha ciidanka iyo kuwa dowladda, ma jirto cid loo soo qabtay falalka amni darada ah, balse waxaa jira dad lagu raad joogo oo lagu tuhunsanyahay”ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan axamed Miiris Isaaq ayaa xusay inay wadaan qorshe balaaran oo ay ku adkeynayaan guud ahaan Nabad gelyada magaalada iyo tan Gobolka.

“Mas’uuliyad gaar ah ayaa naga saaran inaan xaafad xaafad u ogonaano Nabadgelyada guud ee magaalada iyo deegaannada kale ee ku teedsan si looga hortago falalka  amni darrada ah”ayuu yiri Maxamed Miiris Isaaq.

Maxamed Miiris Isaaq ayaa ugu baaqay bulshada Degmada inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si looga hortago cidkasta oo carqaladeynayso Nabad gelyada.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo colaadda ku soo laab laabatay qaar ka mid ah deegaannada gobolka Hiiraan, isagoo amaan u jeediyay ciidamada amniga oo kala dhex galay maleeshiyaadkii dagaalamayay,

Goobjoog News