U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Gaalkacyo Qado Sharaf Ugu Sameeyey Odayaasha Dhaqanka Qaarkood “SAWIRRO”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho ku jooga gobolka Mudug ayaa
maanta magaalada Gaalkacyo kulan qado ah kula qaatay qaar ka mid ah
odayaasha dhaqanka gobolka.

Kulankan qado sharafta ah oo ka dhacay hotelka Sugulle ee magaalada
Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay odayaasha dhaqanka gobolka
qaarkood iyo xubno ka tirsan Puntland waxaana looga hadlay ballan
qaadyo uu horey ugu sameeyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee
Baarlamaanka iyo waxyaabaha ka hirgalay ballan qaadyadaasi.

Wasiirudowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali oo
kulanka goobjoog ka ahaa ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyey ayaa
waxa uu faah faahin ka siiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee
Baarlamaanka xaaladda deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug
oo ay ka mid tahay degmada Toowfiiq oo horey uu booqasho ugu tagay iyo
hormarrada ka jira.

Saciid Nuur Xirsi oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug gaar
ahaanna ku hadlayey magaca odayaasha degmada Towfiiq ayaa kusoo
dhaweeyey Guddomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka magaalada
Gaalkacyo iyo gobolka Mudug waxaana uu aad u ammaanay sida uu fursad
ugu siiyey in mar walba bulshadiisa ka warqabo, dhageysto islamarkaana
wax u qabanaya dadka uu metello.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa uga
mahad celiyey Odayaasha dhaqanka sida ay u aqbaleen casuumaadiisa
waxaana uu dhanka kale xusay in uu aad ugu faraxsan yahay islamarkaana
uu ugu yimid bulshada uu metello iney weeydiiyeen waxyaabaha ka
qabsoomay ballan qaadyadii horey loo sameeyey iyo waxyaabaha la
doonayo in hada la qabto oo ay u baahan yihiin bulshada deegaan
doorashooyinka uu metello.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo soo gaaray
maalinnimadii arbacada ee aynu kasoo gudubnay halkaasi oo si diiran
loogu soo dhaweeyey waxaana uu la kulmi doonaa inta uu joogo maamulka
gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

—-DHAMMAAD—-
DSC_0246 DSC_0250 DSC_0254 DSC_0258 DSC_0260 DSC_0265 DSC_0266 DSC_0269 DSC_0272 DSC_0339