U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Xubno Bulshada Ka Tirsan Kula Kulmay Xaafadaha Gaalkacyo Qaarkood “SAWIRRO”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho qaadatay mudo todobaad ah ku
jooga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta booqasho ku tagay xaafadda
Dahraan ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen qeybaha
kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Suldaan C/nuur Sheekh Muuse iyo Ugaas C/casiis Axmed Cilmi oo ku
hadlayey magaca dadka deegaanka ayaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo dhaweeyey xaafada Dahraan iyo
gobolka Mudug guud ahaan waxaana ay aad u ammaaneen  kormeerka u
kuur-gelidda ah ee uu ku sameynayo deegaannada iyo degmooyinka ay ku
nool yihiin dadka uu metello si uu u ogaado hormarka,xaaladda ay ku
sugan yihiin iyo baahida ay qabaan si wax loogu qabto.

Wasiirudowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali oo isna
goobta ka hadlay ayaa xusay in kormeerka Guddoomiye ku xigeenka Labaad
ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku sameynayo deegaannada iyo
degmooyinka ay degen yihiin bulshada uu metello ay qeyb ka tahay
gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday oo ah metelaadda shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna ka hadlay goobta ayaa xusay in
kormeerkiisu la xiriiro sidii uu u ogaan lahaa xaaladda iyo hormarka
ay ku sugan yihiin dadka uu metello islamarkaana uu la kulmi doono
qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada Towfiiq iyo kan
gobolka Mudug si uu ogaado baahida dhabta ah ee daaganka iyo
waxyaabihii horey u qabsoomay.

—-DHAMMAAD—-DSC_0425 DSC_0435 DSC_0440 DSC_0466 DSC_0498 DSC_0501 DSC_0524