U bood dhigaalka

Agaasimahii Kormeerka Degmooyinka Gobolka Banaadir Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa saakay lagu soo waramayaa inay dileen Agaasimahii kormeerka degmooyinka gobolka Banaadir soona noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka Arrimaha bulshada maamulkaasi C/laahi Ibraahim Isbiimo.

Raggan wax dilay ayaa watay Mooto Labo lugood waxaana la xaqiijiyey inay rasaaseeyey gaariga uu saarnaa C/laahi Isbiimo, iyaga oo dilka kadib halkaasi ka baxsaday.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Salaam ee degmada Dharkeenley waxaana goobta gaaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge ayaa sheegay in sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay qof gaariga la saarnaa C/laahi Isbiimo.

Maamulka degmada Dharkenley weli wax faah faahin ah kama aanu bixin dilkaan iyo howlgalka ay hadda ciidanka dowladda wadaan.

C/laahi Ibraahim Isbiimo ayaa agaasimaha kormeerka degmooyinka gobolka Banaadir la sheegay in dhawaan loo magacaabay .

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News