U bood dhigaalka

Guddoomiye Laameed Caawa Lagu Diley Degmada Yaaqshiid Ee G/banaadir

Sheeko:Dalka

Dableey ku hubeysnaa bistoolado ayaa caawa degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku dishay Xasan Maxamuud Taakow (Macallin Shabeelow) kaas oo ahaa guddoomiye Laameed.

Kooxda dilka guddoomiyaha fulisay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo halkaasi ay gareen ciidamada ammaanka oo howlgallo sameeyay.

Dilkani ayaa qeyb ka noqonaya dilal horey loogu geystay guddoomiye laameedyo ka tirsanaa degmooyinka gobolka Banaadir iyadoo illaa iminka aysan jirin cid loo soo qabtay dilalkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News