U bood dhigaalka

Guddoomiye Lagu Dilay Gobalka Baay.

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno gobalka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in gobalkaasi saacadihii la soo dhaafay lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Goofgaduud buureey ee duleedka magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Mayow Isaaq, waxaana dilkiisa geysatay koox bistoolado ku hubeysnayd oo markii falka ay geysteen ka dib isaga baxsaday goobta.

Dilkan oo dhacay xalay ayaa wararka qaar waxa ay tilmaamayaan in guddoomiyaha markii hore uu dhaawacmay balse uu markii dambe uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Baydhaba ee gobalka Baay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda lagu dilay guddoomiyahan, waxaana sidoo kale aan jirin hadal ka soo baxaya laamaha amaanka ee maamulka Koonfur Galbee oo ay uga hadlayaan dhacdadaan.

Amaanka deegaanada qaar ee Koonfur Galbeed ayaa ah mid aan la isku haleyn Karin waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya weerarada ay Al shabaab ka geystaan qeybo ka mid Koonfurta Soomaaliya.

Goobjoog News