U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Tababar u Furay Shaqaalaha Dabdamiska Dowladda Hoose

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dahafuray tababar socon doono muda 7-cisho ah oo loo qabtay howl Wadeenada waaxda Dabdamiska ee Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoo ay bixin doonaan khubarro ka socota dalka Turkiga.
Tababarkan oo ay fulin doonan Howl wadeena ka socda Magaalada Konya ee dalka Turkiga ayaa ah mid kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha kooxda Dabdamiska ee D/H/X, waxaana inta uu socdo ay ku qaadan doonaan sida ugu haboon ee looga howlgalo marka ay kacaan musiibooyinka dabka, taas oo in badan Soomaaliya ka geysata khasaare soo gaara muwaadiniin Soomaaliyeed oo Hanti iyo guryo ku waaya.
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay musiibadii ka dhacday dalka Turkiga, isagoo Intaa kadib uga mahadceliyay Dowllada Turkiga iyo shacab keeda sida walalnimada leh oo ay u garab istaagtay dib usoo kabashada Dowladnimada Soomaaliya.
Goobjoog News