U bood dhigaalka

Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad oo Goobjoog Uga Warbixiyay Ulajeedada Safarkooda Magaalada Baladweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa Goobjoog News uga warbixiyay ulajeedada safar ay ku gaareen xubno xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo magaalada Baladweye.

Guddoomiyaha ayaa sheegay iney baladweyne u gaareen ka qeybgalka caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maalinta barri ah ka dhacaya magaalada Baladweyne:

“Maanta waxaan ka soo duulnay caasimadda jamhuuriyadda anigoo hoggaaminaya wafti ballaaran oo xildhibaanno ah, sidoo kalena ay ka mid yihiin bulshada rayidka ah oo iskugu jira odayaal dhaqan iyo qeybihii kale ee bulshada rayidka ahayd, markaa runtii si weyn ayaan uga soo qeybgalnay, laanta fulintana xubno ayaa iyaga ka socda oo wasiirka amniga ayaa isaguna jooga, aad iyo aadbaan ugu faraxsannahay inaan nimaadno caasimadda gobolka Hiiraan ee Baladweyne oo magaalo taariikhiya ah isla markaana aan uga soo qeybgalno caleemo saarka taariikhiga ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble anagoo mataleyna dowladda federaalka ah”.

Guddoomiye Mahad ayaa xusay inuu safarkan wakiil uga yahay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya “Jawaari”, oo ku maqan dalka dibadiisa, isagoo ay  u qorsheysneyd inuu ka qeybgalo caleemo saarka Ugaaska oo ay saaxiibbo hore ahaayeen, bedalkiisana uu isagu hoggaaminayo waftigan ballaaran ee ka socday baarlamaanka iyo xubnaha kale ee bulshada rayidka.

Guddoomiyaha ayaa caleema saarka ku tilmamaay mid taariikh ah si aad ahna loo weyneeyo ay tahay , waxa uu sheegay in si xooggan loogu soo dhaweeyay magaalada; isaga iyo waftigii uu hoggaminayay, waxa uu ammaan u soo jeediyaya ciidamda amniga sugaya ee heer gobol iyo mid federaaba iyo waliba kuwa dowladda Jabouti oo uu ku tilmaamay iney shaqo wanaagsan ka qabteen gobolka.

Wafti ballaaran oo uu hoggaamiyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad kana kooban xildhibaanno iyo bulshada rayidka ah ayaa gaaray maanta magaalada Baladweyne iyagoo ka qeybgalaya caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maalinta barri ah ka dhacay magaalada Baladweyne.

Goobjoog News