U bood dhigaalka

Guddoomiye Muungaab oo ka war bixiyay safar uu ku tagay Turkiga

Sheeko:Dalka
Guddoomye oo muungaab oo ka hadlaya safarkiisa./Sawir qaade: Kowthar Cabdiraxmaan
Guddoomye oo muungaab oo ka hadlaya safarkiisa./Sawir qaade: Kowthar Cabdiraxmaan

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho xilli uu kulamo kula soo qaatay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga madax ka tirsan dalkaas.

Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa markii uu soo gaaray magaalada waxa uu booqday xarumo ay leedahay dowladda hoose oo dib u dhis uu ka socdo.

Xarumaha uu booqday waxaa ka mid ahaa xaruntii hore ee maamulka gobolka Banaadir (Fiisha Guverno), waxa uuna halkaas kaga guddoomay deeq shidaal ah oo ay maamulka guddoonsiisay shirkada Has Petroleum.

Muungaab ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay ku daydaan shirkadaha gacanta ka geysanaya dhismaha xaruntii hore ee maamulka gobolka Banaadir (Fiisha Guverno).

Waxa uu dhinaca kale faah faahin ka bixiyay waxyaabihii uu kala hadlay dhigiisa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Hoos ka dhageyso codka Xasan maxamed Xuseen Muungaab: