U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal: Guddiga Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Shaqadooda Ha Sii Wataan

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal ayaa go’aamiyey in Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ay shaqadooda sii wataan.

Waxaa kale uu guddiga faray in guddiga soo gudbiyaan xisaab xirka 2017 iyo miisaaniyadda 2018 ka hor inta aanu sanadkan dhammaanin.

Mudane Mursal ayaa laalay go’aan uu ku-xigeeenkiisa Cabdiweli Muudeey uu ku kala diray guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda 28 November 2018.

Qodabada kale ee qoraalka ku jiray waxaa ka mid ahaa:

In warbixinta guddiga soo gudbiyey ay soo marsiiyaan hannaanka soo gudbinta waxbixinta guddiga loo horkeeno

in xukuumadda u haggaansanto shaqada guddiyada golaha shacabka ee korjoogteynta iyo isla xisaabtanka hey’adaha dowladda, dhowraanna xeerhoosaadka golaha shacabka iyo shuruucda kale ee dalka.

In la dhowro madax-bannaanida golaha shacabka ee baarlamaanka fedeeraalka ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah laanta sharci-dejinta dalka.

Akhriso, Qoraalka Guddoomiye Mursal: