U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal Oo Ankara kula kulmay Dhiggiisa Dawladda Turkiga.

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa Dawladda Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha.

Sidoo kale Guddiyada Labada Baarlamaan ee Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay is dhaafsan doonaan booqashooyin, sidda lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka, Waxaana Aqoon kororsi iyo tababaro la siin doonaa shaqaallaha Baarlamaanka, sidaas ayaa waxaa lagu daabacay Bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Guddoomiye Mursal ku casuumay dhiggiisa Turkiga in uu yimaado Soomaaliya, waxaana Guddoomiya Baarlamaanka Soomaliya uu wadaa dadaalo uu ku doonayo in Guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka ay helaan tabarro iyo booqashooyin Khibrad Is-dhaafsi ah.

Goobjoog News