U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal Oo Ku Wajahan Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo uu gaaro guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo.

Uljeedka safarkaan ayaa lagu sheegay iney tahay wadatashiyo uu guddoomiyaha golaha shacabka la sameyn doono madaxda iyo baarlamaanka maamulka K/galbeed.

Sidoo kale, inta uu guddoomiye Mursal ku sugan yahay Baydhabo wuxuu la kulmi doonaaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo dhanka kalena la dareemayo diyaargarowga loogu jiro soo dhoweynta wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News