U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal Oo Maanta La Caleema Saarayo

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah lagu caleema saaro magaalada Muqdisho.

Caleema Saarka guddooomiyaha ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo xarunta Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, iyadoo ammaankana aad loo adkeeyay.

Waxaa la filayaa in munaasabaddan ay ka qeybgalaan madaxda ugu sarreysa dalka, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Mursal ayaa xilkaan loo doortay 30-kii April, isaga oo xilkan la wareegay 3-dii May ee 2018.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News