U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal Oo Soo Xiray Wejiga Koowaad Ee Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha K/galbeed

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo xirey wejiga Koowaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha  K/galbeed, kaasi oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Shirkaan ayaa si gaar ah diirada loogu saaray in beelaha wada dega K/galbeed ay si wadajir ah uga shaqeeyeen Nabadda iyo in wixii horay u dhacay la iska cafiyo.

Maxamed Mursal Gudoomiyaha Barlamanka soomaliya oo shirkaas soo xiray ayaa uga mahad celiyay beelaha heshiiyay si nabad ay uga shaqeeyeen.

Waxa uu guddoomiye Mursal sheegay in wejiyada kale ee dib u heshiisiintana rajeynayaan in beelo kale ku heshiiyaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku booriyey beesha caalamka iyo cid walbo oo taageerta K/galbeed iney xoojiyaan taageeradooda, maadaama hadda K/galbeed ay ka bilaabatay dib u heshiisiin.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News