U bood dhigaalka

Guddoomiye Shirwac “Dowladda Fursado Shaqo Ha Siiso Dhallinyarada Waxbaratay”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Jilayaasha aan dowliga ahayn Cabdullaahi Maxamed shirwac ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baaahan yahay in fursado shaqo ay siisiyo ardayda dhameysatay jaamacdaha si ay dalka iyo dadkooda ugu shaqeeyaan.

Waxa uu Shirwac soo jeediyey in dowladda ay mar walbo muhiimad gaar ah siiso dhallinyarada Soomaaliyeed ee waxbaratay iyo cid walbo oo aqoon u leh shaqo walbo oo dowladda ka banaan.

Shaqooyinka ayuu sheegay inay wanaagsan tahay inay noqdaan kuwo markii la bixinayo ku baxa aqoon iyo in tartan la geliyo dadka shaqooyinka soo doonta.

“Sida hadda lagu bixiyaa shaqooyinka si loo dulqaadan karo ma ahan, yacni qab sharci ah oo loo maro maleh, qofkii lacag badan haysta ayaa qaadan kara, imise ayaa waxbarashada sii wadaneysa, imisa ayaa loo shaqeynayaan, dowladdii hore waxbaan ka sheegnaa, aniga 1989 ayaan dibadda ka imid anniga oo soo qalin jabiyey, arrintaasi waa mas’uuliyad xukuumadeed, mana ahan mas’uuliyad Jaamacadeed ama bulsho rayid ah qeybaheeda kala duwan, howshaasi wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa looga fadhiyaa, waxaa la rabaa in ardaydaa fursad loo siiyo in shaqada dowladda u tartami karaan, shaqada gaarka ah u tartami karaan, shaqada bulshada rayidka ah ay u tartami karaan, waxaan rabnaa wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo dowladeed in shaqadeeda loo tartamo” ayuu yiri Shirwac

Dalka waxaa ku sugan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo waxbartay hase ahaatee aan haysan fursado shaqo.

Goobjoog News