U bood dhigaalka

Guddoomiye Shuute oo Amar Ku Bixiyay in Nolol iyo Geeri Lagu Soo Qabto Ciddii Dhibaato Dambe Ka Geysata Degmada Wanlaweyn

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado cidkasta oo wixii haatan ka dambeeya dhibaato ka geysata degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo salka ku haya aanooyin qabiil.

Guddoomiye Shuute oo saraakiisha ciidanka DANAB siiyay amar maxkamadeed ayaa faray in ay nolol iyo geeri ku keenaan cidkasta oo wixii haatan ka dambeeya muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo hantidiisa dhibaato u  geysata isaga oo intaas ku daray in dadkaasina uu dhiigoodu noqonayo mid bannaan sida uu hadalka u dhigay.

“Saraakiisha ciidamada DANAB waxa ay amar maxkamadeed u haystaan qofkii muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo hantidiisa dhibaateeya wixii maanta ka dambeeya inay isaga iyo cidda difaacaysa nolol iyo geeri  toona ku keenaan, waxaan balanqaadaynaa xitaa hadaad geeri ku keentaan in aan ku dul aqrino in dhiigiisu hadur ahaa oo isagu dhibaatada waday” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dadkii dhibaatada u geystay dad aan waxba galabsan oo aan ku jirin dagaaladii ka dhacayay Wanlaweyn ay marsiin doonaan ciqaabta ay mudan yihiin.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaal beeleedyo aad u qaraar waxa uu degmada wanlaweyn ku dhexmarayay labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega waxaana dagaalkasi uu sababay in dad masaakiin ah la gubo, hadalka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan gali doono.

Goobjoog News