U bood dhigaalka

Guddoomiye Taabit Oo Shacabka Ugu Baaqay Ka Qeybgalka Ololaha Dalkaaga Wax u Qabso

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney u istaagaan ka qeybqaadasha Ololaha dalkaaga wax u qabso, kaasi oo lagu soo celinayo bilicda magaalada.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in Ololahan la sameyn doono bil walbo dhammaadkeed, ka maamul ahaanna ay keeneen qalabkii ololahaasi looga qeybqaadan lahaa.

Si gaar ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu guddoomiye Taabit ugu baaqay iney Muqdisho ka xorreeyaan nadaafad xumida, amni darada iyo wax walbo oo dib u dhac keeni kara.

“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney ka qeybqaataan ololaha dalkaaga wax u qabso oo uu dhowaan soo jeediyey madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, kaasi oo si wadajir ah uga qeybqaadan doonaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaa ololahan loo qorsheeyay inuu dhaco bil walbo dhammaadkeeda, maamulka gobolka Banaadir wuxuu diyaariyey qalabkii wax looga qaban lahaa arrintaasi” ayuu yiri guddoomiye Taabit.

Inkastoo ay dib u dhisantay Muqdisho, hadana meelaha qaar waxaa ka jirta nadaafad xumo u baahan in shacabka magaalada oo mid ah ay wax ka qabtaan.

Goobjoog News