U bood dhigaalka

Guddoomiye Tarsan Oo Sheegay In Dowladda Ku Guul Dareysatay Wada Hadallada Somaliland

Sheeko:Dalka

Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir  Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Dawladda ay ku guul dareysatay wada hadallada Somaliland.

Maxamuud Axmed Nuur Taraan oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga cadaaladda bulshada ayaa dhaliilay dowladda waqtigeedu dhammaadka yahay ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay masuul ka tahay in uu hakad ku yimaado wada hadalladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland taasna ay tahay fashil dowli ah oo dowladda ay u horseeday shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga hadda waxaan gudaneynaa waajibkeenna wadaniyadeed, waxa weeye in wadankeenna aan ka ilaalinno wax walba oo kala fogeynaya bulshada Soomaaliyeed, waxaan dhowaan furmay wada hadalka Somaliland oo laga tashanayo mustaqbalka Soomaaliya, dowladdu waxay ahayd in dadku ay u deyso maamul loo dhan yahay sidii dadweynuhu ku sameysan lahaayeen” ayuu yiri Tarsan.

Maxamuud Tarzan ayaa sheegay in dalku uu galay Afar sano oo dib u dhac ah taas oo uu ku tilmaamay in ummada Sooomaaliyeed aynaan helin waxyaabhihii ay ka sugayeen dowladdooda.

Waa uu sheegay in dowladda federaalka ay ku guul dareystay wada hadalladii Somaliland lala lahaa oo uu carrabka ku dhuftay in ay sii kala fogeynayso shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News