U bood dhigaalka

Guddoomiye Warsame“Isku Tashi Ayaan Ku Dhisanaynaa Garoomada Kubbadda Cagta Galmudug”

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka kubbadda cagta Galmudug ayaa sheegay in uu socdo qorshaha horomarinta guud ahaan isboortiga deegaanada Galmudug si dhalinyarada ku nool maamulkaas ay uga gudbaan caqbadaha ka haysta helitaanka qalabka iyo garoomada casriga ee lagu ciyaaro kubbadda cagta.

Waxaa iminka socda qorshaha horomarinta iyo dhismayaasha garoomada kala duwan ee kubbadda cagta waxaana ugu horeeya garoonka faca weyn ee Cabdullahi Ciise ee ku yaalo degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

“Garoonka kubbadda cagta Cabdullahi Ciise waa mid ka mid ah garoomada ugu waaweyn maamulka Galmudug waxaa rajaynaa in gudaha sanadkan xariga laga jaro,isagoo loo dhisidoono qab casri ah”waxaa sidaas ugu waramay Goobjoog Cabdifataax Cabdullahi Warsame oo ah guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug.

Tartamo kala duwan ayuu marti geliyay garoonka Cabdullahi Ciise waxaana ugu dambeeyay tartankii kubbadda cagta degmooyinka,balse iminka dhalinyarada Mudug ayaa rajaynaya in arkaan garoomada Galmudug oo loo dhisay qaab casri lana saaray cowska macmilka.

“Garoonka Cabdullahi Ciise waxa uu noqonayaa garoon ay si weyn ugu faanaan bulshada Galmudug anaga ka maamul ahaan waxaa ku dadaalaynaa in albaabada u garaacno siyaasiinta iyo dadka deegaanka kasoo jeedo Siidii ay uguq eyb qaadan la hayeen horomarinta ciyaaraha iyodhilnyarada maamulka Galmudug “waxaa Goobjoog u  sheegay Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug.

Guddi loo xil saaray dhismaha garoonka kubbadda cagta Cabdullahi Ciise ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sawirro muujinaya qaab loo doonaya in loo dhiso garoonka waxaana si weyn ugu

Halkaan Ka Daawo Falnaqeyn Kooban Oo Ku Saabsan Halka Uu Marayo Graoonka Cabdullahi Ciise

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2213913258646611/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle