U bood dhigaalka

Guddoomiye Yariisow Oo Digniin Diray (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Injineer C/raxmaan Yariisow ayaa u digey dad uu sheegay in weli ay ka madax adeegayaan iney isaga guuraan dhulalka danta guud ah oo ay si sharci darro ah ku dhisteen.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ka go’an yahay in lasoo celiyo dhammaan dhulalka danta guud ah, ayna aqbali doonin in lasii deganaado.

Yariisow ayaa sheegay in laga saari doono cid walba oo degta dhulalka danta guud ah wax walbo oo ay sheegaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News