U bood dhigaalka

Guddoomiye Yariisow Oo Raaligeliyey Baarlamaanka Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha G/ Benaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow ayaa raali-gelin k bixiyay hadal dhowaan ka soo yeeray,kaasi oo ku saabsanaa in gobolka uu ka shaqeyn la’yahay  Baarlamaanka Soomaaliya.

Egn Yariisow ayaa raali gelin u diray Baarlamaanka Soomaaliya isaga oo tilmaamay in hadalkiisa si qalad ah loo fasiray uuna ka raali-gelinayo dhammaan Xildhibaannada Baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa guddomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh ka dalbaday in uu Baaralmaaanka uu ka gaarssiyo raali-gelintaan.

Hadalka guddomiyaha Gobolka Benaadir ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkan gudahiisa mar uu siinaya mid ka mid ah Telefishinnada gudaha Wareysi ayuu sheegay in Gobolka Benaadir uu ka shaqeyn la’yahay Baarlamaanaka Soomaaliya isaga oo tilmaamay in xataa ay u waayeen waqti ay kula kulmaan dadka Shacabka ah.

Goobjoog News