U bood dhigaalka

Guddoomiye Yariisow Oo Sheegay In Tallaabo Adag Laga Qaadayo Dadka Warqadaha Been Abuurka Ah Ku Raadinaya Guryo Aysan Lahayn

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa sheegay in aan la aqbali doono dadka warqadaha been abuurka ah ku raadinaya dhulalka aysan lahayn.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in ay tallaabo adag ay ka qaadi doonaan cid walbo oo dooneysa in dhul aysan lahayn ku dhacdo warqado been abuur ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ballan qaaday in isbuucyada soo aadan dowladda hoose ay dhismo ku billaabi doonto waddooyin Muhiim u ah isa socodka dadka Muqdisho.

Waxaa uu xusay in canshuurta oo la bixiyo ay sahlayso wax badan oo laga qabto arrimaha bulshada sida uu hadalka u dhigaye.

Injineer Yariisoow, guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in Gobolkan la gaarsiinayo in lasoo doorto guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo ay xusid mudan tahay in hadda guddoomiyaha gobolka iyo kuwa degmooyinka dhammaantood lasoo magacaabo.

“Waxaan ballanqaadeynaa inaan qabanno adeegyo umadda u riyqaado, waxqabad dhab ah…waxaan ballanqaadeynaa isbuucyada soo socda waddooyinka dhismo lagu bilaabo sida Liido, waxaan rabnaan inaanu maamulkeenna ku ekaan X/weyne ee nala arko annaga oo dhex soconna Bakaaraha, Hilwaa iyo Dayniile…midda kale oo ugu daran waxay tahay dad waxaad arkeysaa dhul aysan lahayn sameysanaya Document been abuur ah, raba iney dadkii lahaa ka dhacaan taasna runtii waxyaabaha aan aakhiro iyo adduun dadka loo cafineyn kamid tahay, annaga waxaan rabnaa in tallaabo walbo oo adag laga qaado dadka noocaasi ah oo lagu helo falkaasi, taasna mid la aqbali karo ma ahan mana aqbaleyno” ayuu yiri Yariisow

Maalmihii dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo xoogeysanayey is qabqabsiga dhulalka oo wareer badan uu ka taagan yahay.

Goobjoog News