U bood dhigaalka

Guddoomiyeyaasha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Ku Kulmay Xadka Labada Gobol

Sheeko:Amniga
Guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa xadka laba gobola ay wadaagaan kulan kula qaatay Xilidhibaan Maxamed AbuukaKulan, kuwaas oo ku gaaray safar dhinaca dhulka ah kusoo gaaray isaga iyo ciidan uu wato, ayaa ka wada hadlay sidii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Al-shabaab.
Labada Guddoomiye ee gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe Cali Jeyte Cismaan Axmed Meyre  oo uu wehliyo Xildhibaan Jacfar oo ku kulmay deegaanka Tardo oo dhawaan laga Xoreeyay Alshabaab ayaa iska xog wareystay Xaalada deegaanada laga xorreeyay  iyo sidii hore loogu sii socon lahaa howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.
Wafdiga xildhibaanka oo ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa gobalka shabeellaha dhexe ka sii raacay guddoomiyaha Gobolkaas Mudane Axmed Meyre Makaraan, waxayna noqonayaan mas’uuliyiintii ugu horreysay oo safar dhulka ah ku mara deegaano dhowr ah oo xiriiriya Gobolada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo wata ciidamo badan ayaa waxaa uu kusii jeedaa degmada Maxaas ee gobolka oo ay ku sugan yihiin ciidankii dhowaan isaga soo baxay deegaanka Wabxo oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana ciidanku hadda ay wadaan gulufkii ugu dambeeyay ee lagu qabsanayo degmooyinka hoostaga Ceelbuur.
Ciidanka dowladda oo taageero ka helaya  ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ka kala  tirsan gobollada Shabeellaha dhexe Hiiraan iyo Galgaduud ee Hrshabeelle iyo Galmudug, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhowaan ku tagay safarro kala duwan maamullaadaan, waxaana uu ugu baaqay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Goobjoog News