U bood dhigaalka

Guddoomiyeyaasha Mursal iyo Abshir Axmed oo Ka Qeyb galay Xuska Aasaaska Puntland

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ayaa looga dabaal degay xuska sanad guurada 21-aad ee Asaaska doowlad goboleedka Puntland, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Aqalka Sare , Senatar Abshir Maxamed Axmad, Guddomiyaha Golaha Shacabka-BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa Dowlad gobaleedka Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland.

Ciidamada qalabka sida, shacabka Puntland oo ka yimid gobolada Puntland ayaa qayb ka ahaa xuska maalintaasi weyn ee ku suntan taariikhda guun ka ah ee aasaaskii Puntland.

Goobjoog News