U bood dhigaalka

Guddoomiyihii Gollaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Xilkii Laga Qaaday

Sheeko:Dalka

Guddoomiyihii gollaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Somaliland mudane Jaamac Ismaaciil Cige(Shabeel) ayaa maanta xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga xayuubiyay, kaddib kulan ka dhacay magaalada Hargaysa.

Fadhiga ay gollaha fulinta ee xisbiga Kulmiye ku yeesheen xaruntooda dhexe ee magaalada Hargaysa ayay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen in xilkii ay ka qaadeen guddoomiyihii xisbigaasi ee gollaha dhexe.

Waxaa sidoo kale warka ku xusan in Jaamac Ismaaciil(Shabeel) laga saaray xubinnimadii xisbiga Kulmiye.

Eedaha xilka lagaga qaaday xubnimadana lagaga xayuubiyay oo Jaamac Shabeel loo jeediyay waxaa kamid ah inuu u isticmaalay so qaldan uguna faa’iideystay aragtidiisa shakhasiyan.

Jaamac Ismaaciil ayaa la xasuustaa in dhowr jeer ooh ore xilkani laga qaaday kaddib dhaliillo uu u jeediyay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

Xubnaha xisbiga talada haya ee Kulmiye ee Somaliland oo arrintani ku kala aragti duwan ayaa laga yaabaa in buuq siyaasadeed ay ka dhex kiciso.

Goobjoog News