U bood dhigaalka

Guddoomiyihii hore ee Maxaas oo Lagu Xukmay Xabsi Daa’in

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Soomaliya ayaa maanta xukun ku riday gudoomiyihii hore ee degmada Maxaas  iyo  xubno kale.

Dhageysiga kiiska gudoomiyaha aya a muddooyinkii dambe wuxuu ka socday maxkamadda ciidamada, kadib markii Gudoomiyihii hore degmada Maxaas lagu soo eedeeyay in uu wax ka ogaa qarax gaarigiisa loogu xiray gudoomiye Ku xigeenkii amniga degmadaasi, qaraxaasi oo uu ku dhintay.

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun ku riday Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheekh Cilmi Cawaale gudoomiyihii  hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda Ciidamada qalabka sida saaka ay riday.

Goobjoog News