U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug Oo Baaq Ka Direy Abaarta Ka Jirta Guud Ahaan Dalka

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlaamaanka maamulka Galmudug Maxamed Axmed Maalin ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney u gurmadaan dadka ay abaarta ku hayso gobollada dalka.

Waxa uu sheegay in abaartan ay tahay musiibo qaran sidii uu horeyba u sheegay madaxweyne Farmaajo, waxaana uu intaa ku daray guyddoomiye ku xigeenka, in maanta loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado.

“Waxaa loo baahan yahay inaan Ilaahay u towbad keenno, cafis ka dalbanno, inaan u istaagno sidii aan isugu gurman lahayn, shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaaan waxaan leeyahay u gurmada walaalihiina abaarta hayso, gaar ahaan kuwa Galmudug oo xaalad adag ku jira”

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dhanka kale ugu baaqay beesha caalamka ineysan indhaha ka laaban xaaladda abaarta ee Soomaaliya, waxaanu uu sheegay in maanta Soomaaliya u baahan tahay gacan caalami ah.

Gobollo badan oo kamid ah dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, welina dadku ma aanu helin gurmad ku filan.

Goobjoog News