U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug Oo Shaaciyey Xilliga Uu Furmayo Kalfadhigga Saddexaad Ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulkaasi.

Garoonka diyaaradaha ee Cadaado waxaa ku soo dhoweeyay xildhibaanno ka tirsan Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa ka warbixiyay safar uu ku joogay maalmihii dambe magaalada Muqdisho.

“Howlo shaqo oo aan u joogay magaalada Muqdisho Alle waa nagu guuleeyay, waana idin kaga mahadcelinayaa inaad nagu soo dhoweysaan xaruntii dowladda Galmudug ee Cadaado” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Waxa uu sheegay in bishaan soo socota uu si toos ah magaalada Cadaado uga furmi doono kalafadhiga seddexaad ee baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa sheegay in ay jiraan dhowr ajande oo kalafadhigaan looga hadlayo waxaana qeyb ka ah qodobadaasi doorashada dadban ee dalka ka dhacaysa sanadkani 2016.

Kala fadhiga seddexaad ee baarlamaanka Galmudug oo lagu waday inuu furmo 25-kii bishii la soo dhaafay ayaa dib u dhacay kadib markii uu buuxsami waayay kooramka xildhibaannada.

Goobjoog News