U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle Oo Ka Walaacsan Amniga Wadada Isku Xirta Balcad iyo Jowhar

Sheeko:Amniga

Canab Axmed Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa ku baaqday in la helo amni waara oo ka dhasha wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo ay ku bateen weerarada Al-shabaab ka fuliyaan.

Waxa ay sheegtay in Labo Sano u dhammaatay maamulkooda, waxaana ay si gaar ah ugu baaqday shacabka Hirshabelle iyo maamulka in si wadajir ah u furaan wadadaasi.

“Labo saac ayaan u socon jirnay magaalada Muqdisho, waxaana hadda sugnaa diyaarad oo cirka ayaan marnaa, waxaan ku dhiirogelinayaa, xildhibaannada, ciidamada, golaha wasiirada, ganacsatada iyo shacabka inaan furno jidka Balcad” ayeey tiri Canab.

Sidoo kale, Canab ayaa sheegtay in wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ay amni ka dhigi karaan ciidamada Hirshabelle oo taageero ka helaya shacabkooda.

Marar badan ayaa dagaalyahannada Al-shabaab waxa ay weeraro ka fuliyeen wadadan, waxaana jirta mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo wadadaasi lagu diley.

Goobjoog News