U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka oo ku Tilmaamay Sharciga la Dagaallanka Argagixisada Mid aan la jaanqaadi Karin Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka ammaanka Cabdirisaaq Cumar Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Axaddii lasoo dhaafay ayaa xubnaha baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan sharciga la dagaallanka argagixisada isagoo xusay in sharcigaa ay uga xiran yihiin waxyaabo badan oo dhanka amniga ah, isla markaana ay u suuro galayso ciribtirka Al-Shabaab.

Haddaba guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa si kulul uga hadlay sharciga la dagaallanka argagixisada iyo sababta ay baarlamaanku u meel marin la’yihiin waxaanuu ku sheegay inaanuu la jaanqaadi karin Ummadda Soomaaliyeed.

Isagoo Isniintii ka hor hadlayay baarlamaanka ayuu yiri; “Sharcigan goortii lasoo sameeyay oo akhrintiisii koowaad la marsiiyay, waxaa la wada ogaa in baarlamaanka oo arrinkii ku jira guddigii u xilsaarnaa ee arrimaha gudaha iyo amniga sharcigii ay ku wadaan waafajin dastuur, ayaa guddigii waxay ogaadeen in xukuumaddu ay waddo sharci kale oo isla argagixisada ah oo aan ahayn kii baarlamaanka loo soo gudbiyay, guddigii ayaa labadii sharciba hor dhigay goddoonka baarlamaanka, kii hore ee baarlamaanka la hor keenay iyo kan cusub ee ay xukuumaddu wadday intaba, waxayna kala tashadeen guddoonka sida ay tahay in laga yeelo, kadib guddoonka baarlamaanku waxa uu warqad u qoray xukuumadda oo lagu wargaliyay iney go’aansadaan, sida wax la yeelayo illeen laba sharci oo isku magac ah lagama wada shaqeyn karo, iyadoo laba sharci ay ku kala duwanaayeen dhanka qodobadda, oo kii hore uu ahaa dhowr iyo soddon qodob, kan labaadna uu ahaa illaa todobaatan qodob”.

Bishii Janaayo 2014 ayaa haddana xukuumaddu dib ula noqotay sharcigii la dagaalanka argagixisada, waxa kale oo ay dib ula noqdeen sharcigii xuduudaha, sharcigii maxkamadda Dastuurka, Sharcigii xuquuqul-insaanka, wixii shuruuc ahaa oo dhan waa celiyeen.

“Sharcigii  la dagaalanka argagixisada oo haddana si kale ah ayey dhawaan dib u soo celiyeen, waa sharci ummadda Soomaaliyeed ay xasaasiyad ka qabto, dalalka Muslimka ah oo dhan macnaha argagixisada in wali lagu muran sanyahay, waana ku adagtahay in sharci magacaciisa la yiraahdo argagaixiso iney la jaanqaadaan” ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Waxaan xukuumadda usoo jeedinnay in magaciisa la badalo, maadaama argagixisada iyo Islmaanka dadka masiixiga ah ay isku si usoo dhigeen, baarlamaan dadka xubnaha ka wada ah ay Muslim wada yihiin, in sharci la dagaallanka argagixisada ay ay ansixiyaan sideedaba wey ku adagtahay, horey sharciga waxaa loosoo bandhigay baarlamaankii 2007 waxaanuu ahaa arrin xasaasi ah”.

Waxa uu xusay “Shuruucdii uu dalku lahaa ayaan wali sidii ay ahayd loo dabaqin, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed waxa uu sheegayaa dambiyada qaranka laga galo, waxa uu sheegayaa dadka argagixisada ah ama shirqool qaranka looga soo horjeedo lagu burburinayo ciddii ka qeyb qaadata waxa lagu xukumayo, dadka dad ajinabi ah lasoo shirkooba ee qaranka waxyeelleynaya ayuu sheegayaa, madaxda Soomaaliyeed ciddii u maleegeysa in la dilo ayuu sheegayaa maa shuruurcdaa la isticmaalo”.

“Wax la isku tuurtuuro waxani ma gaarsiisna, baabuur ku raran laba boqol oo tan oo qarax ah oo jidkaa maraya haddii ciidamadeennu soo qaban waayeen ama ogaan waayeen meesha laga soo raray iyo garaashka lagu soo raray intaas oo tan, sirdoonka qaranka iyo dadkii u xilsaarnaa waa iney inoo sheegaan waxa aan shacabka u sheegno weeyaan, su’aalahaasina waa marka ay yimaadaan ciddii ku shaqada lahayd ayaanu ka wareysan doonaa, laakiin sharciga la dagaallanka argagixisada ayaa naga hortaagan inaanuu la dirirno argagixiso wax lagu hadlo waxaasi maaha”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.