U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Oo Shaaciyey Tirada Ay Ku Kala Guuleysan Karaan Musharraxiinta

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa furmay kulanka xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku dooranayaan madaxweynaha dalkan hoggaamin doona Afarta Sano ee soo socota, iyadoo musharraxiin gaaraya 21 ay ka qeybgalayaan tartanka doorashada.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cisman Jawaari oo kulankan furay waxa uu sheegay iney soo xaadireen 328 mudane Hal xildhibaan oo kaliya uu ku maqan yahay xanuun, waxaana la dhaariyey 4 xildhibaan.

Doorashada wareegga koowaad musharraxii keena 219 cod waxa uu  toos ugu guuleysan doonaa doorashada madaxweynaha.

Wareegga Labaad waxaa usoo gudbi doona Afarta Musharrax ee ugu cod badan, haddii ay dhacdo in Labo musharrax codad siman keenaan Shantaasi musharrax si toos ah ayeey wareegga Labaad ugu soo gudbi doonaan.

Wareegga Saddexaad waxaa usoo gudbi doona Labada musharrax ee ugu codka badan, haddii kuwaasi oo cod Hal dheeri ah ku kala bixi doona.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News