U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo ku dhawaaqay Afar xubnood oo ka mid ah Guddiga Doorashooyinka maamulka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa 15 Febraayo ku dhawaaqay xubnaha Guddiga doorashooyinka maamulka ee uu xaqa u siinayay dastuurka Puntland magacaabistooda, guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa afarta xubnood laga sugayey golaha baarlamanka Puntland.

Hadadba warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi 16 Feraayo, ayaa lagu magacaabay afartii xubnood ee harsaneyd lagana sugayay iney soo magacaabaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Shire ayaa sheegay in dhawaan Sagaalka xubnood ee Guddiga doorashooyinka ay mari doonaan golaha wakiilada si loo ansixiyo.

Magacyada xubnaha ay Baarlamaanku soo xuleen:

-Dr Maxamuud Siciid Xirsi (Diraac)

-Eng Axmed Maxamed Siciid

-Axmed Xasan Bile

-C/risaaq Xuseen Gacayte

Magacyada Xubnaha uu Soo magacaabay Madaxweyne Gaas

-Cabdulaahi Cali Nuur

-Maxamed Cabdille Faarax

-Naciima Cabdiraxmaan Guuleed

-Axmed Maxamed Cali

-Maxamuud Soofe Xasan