U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Joojiyay Dhamaan Safaradii Xubnaha ee Dibadda Kuna Dhawaaqay Ineysan Aqoonsaneyn Wax Fasax Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u sheegay xubnaha Baarlamaanka ineysan jiri doonin safarro dibadda ah, maanta wixii ka dambeeyana aaney aqoonsaneyn wax fasax ah, mudanihii iman waayana tallaabo tii hore ka duwan ay ka qaadi doonaan.

Afhayeenka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamad sheikh Cismaan jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay kalfadhi ay maanta baarlamaanku ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaanuu yiri:

“Waxaan rabaa inaan xildhibaanada u sheego in guddoonku uu joojiyay dhamaan safarada dibadda ay u aadi jireen xildhibaanada, ha ahaadaan kuwa baarlamaanada aan xubinta ka nahay iyo dhamaan waxyaabaha kale, safar aan la xiriirin arrimaha kan na horyaalla  safar aan ahayn oo kale waan joojinnay, yaaan la iigu imaanin baarlamaan heblow ayaan ku jirnaa, xaggaan u soconnaa, lacagna uma hayno ay ku safraan, markaa arrimahan ayaan u jeesaneynaa, waxaan rabaa dhammaan xildhibaanada dibadda jira oo dhan iney soo wada galaan, wax fasax ah oo aan aqoon sannahay ma jirto laga bilaabo maanta, xildhibaanka iman waaya tallaabo tii hore ka duwan ayaan ka qaadneynaa”.

Sidoo kale afhayaanka baarlamaanka ayaa xildhibaanada ogeysiiyay in maalinta sabtida ee soo socota ay u diyaar garoobaan kulan Rai’isul wasaaruhu uu uga warbixin doono nidaamka doorasho ee 2016 ka, waxaanuu yiri:

“Ra’isul wasaaruhu waa uu diyaar garoobay, waxaan ku ballanay maalinta Sabtida ah oo ay bishu tahay 30 inuu Baarlamaanka Yimaaddo uu idiin soo bandhigo soo jeedimaha uu ku fulinayo qorshaha doorashooyinka Qaranka, markaa waxaan ka codsanayaa in xildhibaanadu ay wada goobjoog ahaadaan maadaama uu muhiim yahay oo masiirka Soomaaliyeed loogu Meel dayaayo”.

Si kasataba waxaan la ogeyn sida ay uga jawaab celin doonaan xubnaha baarlamaanka ee dibadda fasaxyada kala duwan ugu maqan hadalkan ka soo yeeray guddoonka baarlamaanka iyo sidoo kale waxa ay noqoneyso tallaabada laga qaadayo mudanaha soo xaadiri waaya shirarka baarlamaanka.

Goobjoog News