U bood dhigaalka

Guddoonka CECFA oo hambalyo soo gaarsiiyay Gudoomiyaha cusub ee SFF

Sheeko:Cayaaraha

Iyadoo xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadacagta ay isagasoo daba dhacayaan dhambaalo hambalyo xambaarsan oo ka imaanaya madaxda kubada cagta caalamka oo dhan ayaa guddoomiye ku xigeenka ururka kubada cagta bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA Mr. Lawrence Mulindwa waxaa uu maanta dhambaal hambalyo ah soo garsiiyay guddoomiyaha kubada cagta dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

Mr. Mulindwa ayaa qoralkiisa taageero xoogan ugu muujiyay guddoomiyaha la doortay iyo gudigiisa fulinta, waxaana uu yiri. “ Walaalkey Cabdiqani Saciid Carab warka ku saabsan doorashadii laguu doortay xafiiska guddoonka kubada cagta dalka Soomaaliya wuxuu nagusoo gaaray si farxad leh guud ahaan gobalka CECAFA gaar ahaana dalkeyga Uganda”ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiye ku xigeenka CECAFA ahna guddoomiye sharafeedka kubada cagta dalka Uganda Lawrence Mulindwa.

“Sidaa daraadeed adiga iyo dhamaan bah-weynta kubada cagta Soomaaliya waxaan idin soo dirayaa hambalyo ku aadan qabashada doorasho dimoqoraadi ah oo si nabad ah ku dhacday taasoo laguugu dooray guddoomiyenimo”ayuu yhadalkiisa sii daba dhigay guddoomiye ku xigeenka CECAFA.

Guddoomiye ku xigeenka CECAFA waa uu sii hadlay oo waxaa uu yiri “Khibradaada mudada fog ee aad u leedahay maamulka kubada cagta waxaa ay si aad u deg deg badan ugu faa’iideyn doontaa umada Soomaaliyeed waxaana ay horukac weyn gaarsiin doontaa kubada cagta Soomaaliya”.

Guddoomiye ku xigeenku waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay karti ku leedahay kubada cagta, sidaa daraadedna si taa looga faa’iideysto wuxuu guddoomiyaha cusub ku booriyay in uu sameeyo istaraatiijiyad horumarineed oo dhanka kubada cagta ah si loo horumariyo awooda cayaareed ee Soomaaliya ee tartamada gobalka iyo kuwa  caalamiga ah.

“Gacan qabasho kasta oo suuragal ah ayuu xafiiskeygu la garab istaagi doonaa isku dayadaada ku aadan in Soomaaliya aad ka dhigto wadan ku weyn dhanka kubada cagta—-waxaan kaa codsanayaa in aad sidoo kale hambalyo iga gaarsiiso xubnahaaga guddiga fulinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed”ayuu guddoomiye ku xigeenka CECAFA Lawrence Mulindwa kusoo gaba-gabeeyay qoraalkiisa hambalyada xambaarsanaa ee lasoo gaarsiiyay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta

Halkan Ka Aqriso hambalhada gudoonka Cecafa:

Cecafa VP letter

 

Somali Football Federation Media Department

Email:[email protected]